Daawo: Xukun lagu riday askari ka tirsan NISA oo dilay laba gabdhood oo uur leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo taagay Maxamed Cabdi Maxamuud oo loo heysto dilka laba haween ah oo xaamilooyin ahaa, kaas oo ka dhacay degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.

Labadaan haweenka ah ee askarigaan uu dilay ayaa kala lahaa uur sideed iyo sagaal bilood ah, wuxuuna ninkaan ku dooday in uusan ku talagal u dilin, dilka ayaa dhacay bishii December ee sanadkii tegay.

Maxkamadda ayaa maanta la hor keenay marqaatiyaal cadeynaya in askarigaan uu si ku talagal ah u dilay labada haweenka ah oo mid ay ka tirsaneed booliska, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Goobta uu dilka gabdhahaas ka dhacay ayaa waxaa macaawino loogu qeybinayey dad barakacayaal ah. Mar loo ogolaaday Maxamed in uu hadlo ayuu yiri, “Waxaa asal ah in anigu ku talagal aana u dilin gabdhahaas, waxaana maxkamadda ka codsanayaa in la ii ogolaado in reerkii ay ka dhasheen aan la xaaltamo.”

Xeer ilaalinta ciidamada oo dacwadahaan dilka ah ku soo oogtay eedeysanahaan oo ka tirsanaa ciidanka NISA ayaa sheegtay in afar qof oo labo carruur tahay calooshana lagu sido uu bareer u dilay askarigaan.

Xeer ilaalinta ayaa dalbatay in askarigaan dil lagu xukumo, halka qareenada u doodayey ay sheegeen in dilkaas uusan u dhicin si ku talagal ah.

Shuuro kadib, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Maxamed Cabdi Maxamuud.

Askarigaan ayaa ka tirsanaa ciidanka NISA, waxaana sidiisa oo kale xabsiyada ugu jira askar dishay dad shacab ah oo xukun sugayaal ah, dilalka ay geystaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda ayaa aad ugu badan Muqdisho.

Hoos ka daawo