Sawirro: Xamza oo saldhiga Ballidoogle tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Danab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Ra’iisul Wasaare Xamz ayaa uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan.

Safarka Xamza ee Ballidoogle ayaa waxaa ku wehlinayay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga, wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Cutubyadaan maanta soo dhameystay tababarka ciidan ayaa la filayaa in ay ka qeyb noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday dalka, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.