Dowladda federaalka oo ku dhawaaqday hal fursad oo leh shan faa’iido – Fallanqeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqo la’aantu waa cinwaan weyn marka laga hadlayo Soomaaliya. IMF iyo World Bank ayaa barnaamijka deyn cafinta dartii waxay hor istaageen in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay shaqaale qorato lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Laakiin hadda nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kowsanaya shaqaaleysiin, taasi oo ah wax si weyn loo naawilayo.

Isniintii wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya waxay daah-furtay tartan loo galayo saddex kun oo macalin oo kamid noqonaya shaqaalaha rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada ee dowladda federaalka ayaa ku daah-furay mashruucan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si online ah ayay macalimiintu u codsanayaan shaqadan, kadibna waxay u gali doonaan imtixaan ka dhici doona Muqdisho iyo gobolada dalka.

Shaqaale rasmi ah ayay noqon doonaan saddex kun ee macalin ee ku soo baxda imtixaankan, waxayna ka shaqeyn doonaan in ka badan 100 iskuul oo dalka ku firirsan.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la xasuusta in dalka laga hirgeliyay barnaamijkii aada dugsiyada, kaasi oo ay ku dhawaad kun macalin shaqo ka heshay kana faa’iideysteen kumanaan arday ah.

Barnaamijkan cusub in ka badan 200 kun oo arday ah ayay wax bari doonaan saddex kun ee macalin ee kusoo baxda imtixaanka shaqadan.

Haddaba maxay ka dhigan tahay tallaabadan;

1. Xasan Sheekh iyo Waxbarashada: Madaxweynaha fadhiya Villa Somalia wuxuu sii xoojinaya diiwaankiisa wanaagsan ee adeegyada bulshada, si gaar ah waxbarashada oo uu si weyn ugu soo caanbaxay inta uusan soo galin siyaasadda.

2. Shaqo abuurka: In shaqo loo abuuro saddex kun oo qof oo Soomaali ah waa tallaabo weyn ah oo wax ka badelaysa nolosha saddex kun oo qoys oo Soomaaliyeed. Tani waxay xoojineysa dhanka togan ee nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

3. Ahmiyad siinta Tacliinta: In shaqaalihii ugu horeeyay ee uu nidaamka Xasan Sheekh qoraayo ay macalimiin noqdaan waxay muujinaysa sida ay dowladda hadda jirta u fahamsan tahay in marka hore bulshada la dhiso si ay u dhisaan dal iyo dowlad isku filan.

4. Hab xulashada macalimiinta: Shaqaaleysiintan looma eegayo hanaanka 4.5 ee waayihii dambe ku milmay nolosha Soomaalida.

5. Wasiir Faarax: Markii la dhisay golaha wasiirada ee ra’iisul wasaare Xamza waxaa idinla wadaagnay in Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu yahay wasiirka qura ee munaasib ku ah wasaarada loo magacaabay.

Durtaba wuxuu qaaday laba tallaabo oo waaweyn, mid waa in uu lacagihii ka dhaafay ardayda shahaadada ka qaadaneysa wasaarada, midna waa in uu saddex kun oo macalimiin ah ku biirinayo shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya si ay wax u baraan in ka badan 200 kun oo caruur Soomaaliyeed ah.

Halkan waxaa laga baranaya haddii la iswaafajiyo wasaaradaha iyo shaqsiyaadka loo dhiibayo in wax badan u hagaagi karaan dalka.