Isimida Laascaanood oo laba shardi ku xiray dhaqan-gelinta xabad joojinta Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirka Isimada ayaa wuxuu sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Garaadka ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dad qaadan kara xabad joojin, hase yeeshe ay marka hore rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo.

“Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yiri.

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso.

“Xabada iyo hadalka xumi waa isku mid, hadaanu hadalka xumi fogeyn. Waa Argagixiso raali-gelin ka bixiya, ciidankiina ka saara oo ka fogeeya meesha ciidankayaga iska gaarayaan.”

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Illo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo ka hadshay dagaalka saaka dib u qarxay ayaa waxay sheegtay in la weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.