Daawo: Arrintii shalay ka dhacday Jowhar oo halis ku ah Guudlaawe iyo Dabageed

Jowhar (Caasimada Online) – Fal-celin xoogleh ayaa ka dhalatay dhacdo la yaableh oo shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii uu nin hubeysan Isniintii shalay aheyd afaafka hore ee Maxkamad ku taalla magaaladaasi uu ku dilay laba nin oo ku eedeysnaa dilka wiilkiisa oo da’diisu ay aheyd saddex sanno jir.

Aabaha toogashada geystay ee horay loo dilay wiilkiisa yar oo dhowr habeen kahor meydkiisa laga helay xaafada Kulmis ee magaaladaas, ayaa ka tirsanaaa ciidanka dib-u-xoreyta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisley-da, kaas oo goobta isaga baxsaday.

Dadka falceliyay dhacdadaan argagaxa leh ayaa waxaa kamid ah siyaasiga lagu magacaabo Dr. Xasan Cadaay oo kasoo jeedo HirShabelle, kadib wareysi uu siiyay Somali Cable TV.

Xasan Cadaay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan laga sii gaashaaman karay, wuxuuna HirShabelle ku dhaliilay sida ciidan hubeysan loogu ogolaaday inay tegaan maxkamadda.

“Waxaa khalad aheyd oo aan loo baahneyn maxkamadda inay yimaadiin ciidamo, haddii ay imaanayaan waa inay shacab ahaadaan,” ayuu yiri Dr. Xasan Cadaay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay habooneyd, haddii aan la sugi karin amniga kiiska raggaas loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho, si ay u shaqeyso cadaaladda.

“Dhibaatada uu maamulka HirShabelle galay ayaa waxa ay aheyd goobta in ay keenaan ciidan hub sita dhibaatadaasna geystay, haddii aysan qaban karin, amnigana aysan sugi karin waxay aheyd inay usoo wareejiyaan magaalada Muqdisho,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Siyaasiga caanka Xasan Cadaay oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray in arrintan ay halis ku tahay amniga madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, Yuusuf Dabageed iyo golaha wasiirada, sida uu hadalka u dhigay.

“Askari labo Xidigle ah in uu maxkamadda Jowhar ku dilay labo eedeysane waxa ay halis ku tahay amniga madaxweynaha HirShabelle, madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wasiirada oo khatar ku jiro”ayuu markale wareysigaan ku yiri Siyaasi Dr Xasan Cadaay.

Si kastaba, dhacdadaan ayaa dhalisay walaac xoogan, maadaama ay keentay in lagu kala cararo dhismaha maxkamadda oo aheyd halka markii loo cadaalad doontay, ayada oo ay dhacdadaan si weyn usii qabsatay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka.