Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL ka qarxay duleedka KISMAAYO + Khasaaraha

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo xoogaga Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Baarsan-guuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, isla-markaana lagu jabiyay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Baarsan-guuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay hayeen xogta weerarka Al-Shabaab, taasina ay keentay inay ka hortegaan weerarkaas.

Waxaa kale oo ay saraakiishu sheegeen inay dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda, sidoo kalena ay ka gubeen gaadiid dagaal, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalka ka dhacay Baarsan-guuni ayaa ayaa dhankeeda guul sheegatay, waxayna sheegtay inay dishay dhowr askari, kuwa kalena dhaawacday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaa goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland.

Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar kan lamid ah oo la fashiliyay ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ku yaalla Afmadow, kaas oo isna khasaare lagu gaarsiiyay kooxda.