Xasan Sheekh oo shaaciyay saddex caqabad oo weyn oo Soomaaliya ku hor-gudban

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 46-aad ee golaha sanduuqa QM u qaabilsan horumarinta beeraha IFAD ayaa shaaciyay in dalkeena ay ku hor-gudban yihiin saddex caqabadood oo waaweyn.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in caqabadahan saddexda ah ay Soomaaliya ka hor istaagsan yihiin in ay gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah.

Saddexdan caqabadood ee uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ah; dagaalka ka socda dalka, isbaddalka cimilada iyo daymaha Soomaaliya lagu leeyahay, sida uu ku sheegay khudbadiisa.

“Arrinta dagaalka, sidaan horey idinkugu sheegay waxaa naga go’an sidii aan usoo afjari lahayn argagixisada caalamiga ah ee ku sugan dalkeena anaga oo mid ah, oo kaashanayna saaxiibadeena caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dadka Soomaaliyeed waxay ajiibeen baaqa dowladdooda ee ah inay dawladdooda ku garab siiyaan sidii looga guulaysan lahaa sharta argagixisada, waxayna isku dubarideen taageero iyagoo si firfircoon u garab taagan ciidanka dowladda si loo xoreeyo deegaanadooda.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in deegaanada laga xoreeyay ay ku jiraan dhul beereed u baahan maal-gelin, taasi oo uu rajeeyay inay taaba-gal noqon karto, “Sababaha keenaya in yididiilada aan qabno ay sareyso way badan yihiin, balse barnaamijka dayn cafinta ayaa safka hore kaga jira,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay ka dowlad ahaan rejo weyn ka qabaan in gunaanadka sanadkan la gaari doono dayn cafinta Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

“Waxaan rajeynaynaa in arrintani horseedi doonto maalgashi horleh oo isugu jira mid maxali ah iyo mid caalami ah oo lagu sameyn doono waaxdeena cuntada.”