QM oo warbixin kasoo saartay dakhliga Al-Shabaab kadib dagaalkii ay ku qaaday DF

New York (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dakhliga kooxda Al-Shabaab uu kordhay sanadkii 2022, inkasta oo dowladda ay qaadday tallaabooyin lagu xakameynayo bilihii dhowaa.

Warbixinta oo la faafiyey Arbacadii ayaa lagu sheegay in kooxda ay sanad kasta soo xareyn karto $150 milyan oo ay u adeegsato miisaaniyaddeeda, sida hubka ay soo iibsato iyo mushaharka ay siiso mintidiinta.

Sida lagu sheegay warbixinta QM, dakhliga Al-Shabaab ayaa kasii kordhay $100 milyan sanadkii 2021, wuxuuna gaaray $150 milyan 2022, taasi oo kooxda u sahashay inay 25% kordhiso hubka ay soo iibsato. Al-Shabaab ayaa hub lagu qiyaasay $24 milyan kasoo iibsatay dalka Yemen ee dagaallada ay la degeen.

Al-Shabaab ayaa inta badan dakhliga ka ururisa shacabka ku hoos nool deegaanada ay maamusho ayada oo u adeegsaneysa hanjabaad, cabsi gelin iyo ciqaab. Waxay sidoo kale canshuurtaa ganacsiyada magaalooyinka weyn sida Muqdisho. 

Dowladda Soomaaliya ayaa ganacsiyada uga digtay inay maal-geliyaan kooxda, haddii ay noqon laheyd inay ka cabsanayaan iyo haddii ay ogolaasno ku bixinayaan. Hase yeeshee ololahaas oo billowday qeybihii dambe ee sanadkii tegay ayaan weli saameyntiisu muuqan.

Bishii December 2022, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la xiray 250 banki akoon iyo 70 xisaabaad mobile oo lala xiriiray kooxda Al-Shabaab. 

Dowladda madaxweyne Xasan ayaa bartamihii sanadkii tegay billowday dagaal “aan waxba loola harin” oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana laga gaaray guulo weyn ayada oo kooxda laga saaray degaano badan oo ku yaalla gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud.

Hase yeeshee, si kooxda looga wada guuleysto, waxaa qasab ah inuu guuleysto dagaalka dhaqaale, sida ay qabaan taxliiliyeyaasha amni.

Warbixinta QM ayaa sheegtay in kooxda ay haysato dagaal-yahanno lagu qiyaasay 7,000 illaa 12,000. Dagaalkii dhowaanahan socday ay dowladda ku sheegatay dilka in ka badan 3,000 oo dagaal-yahan, hase yeeshee caddeymaha ay dowladda soo bandhigtay ee lagu taageerayo sheegashadaas ayaan xooganeyn.