Daawo: DF oo shaacisay in dagaalka ka socda Hiiraan lagu dilay 200 oo Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaabn Yuusuf Al-Cadaala oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Iji oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda halkaasi oo galay maalintii labaad oo xiriir ah jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana lagu dilay in ka badan 200 oo xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal, sida uu hadalka uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka ayaa shaaciyay magacyada saraakiisha laga dilay Al-SHabaab, kuwaas oo uu ka kala sheegay:- Salaad Maxamuud Siyaad oo Shabaab u qaabilsan aruurinta dhaqaalaha, Xuseen Dheere oo ku xigeen u ahaa Salaad, Yuusuf Cali Sheekh & Sandheere.

“Illaa hadda inta aan xaqiijinay waxaa halkaasi lagu dilay in ka badan 200 oo Khawaarij ahaa oo goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo meydadkooda  halkaas kasoo uruuriyeen ciidamada huwanta ah ee wada howlgalayay,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dagaalkan kusoo furteen illaa 300 oo qoray oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale wararka laga helaya Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalka uu sii xoogeystay ayna ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyay aagaga ay joogan Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in deegaanada lagu dagaalamayo ay gaarayaan ciidan kale oo gurmad ah taas oo sii adkeyneysa xaaladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.