Shariif oo 4 qodob oo kasoo saaray xiisadda Laascaanood iyo in maxkamadda ICC loo…

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda Laascaanood oo uu maalintii 12-aad ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkaas oo sababay khasaare xoogleh, isaga oo soo saaray baaq ka kooban illaa afar qodob.

Waxa kale oo uy intaasi ku daray in dagaalka laga dhaxlayo khasaare iyo naceyb keenaya inay sii kala fogaadaan labada dhinac.

“Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay in ay fara-geliso xiisadda Laascaanood, ayada oo mareysa dhanka siyaasadda iyo diblumaasiyadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in tallaabado adag laga qaado cid kasta oo sii hurineysa xiisadda ka taagan gudaha magaalada Laascaanood.

“Waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah,” ayuu raaciyay. Halkan hoose ka aqriso:-

𝗕𝗶𝘀𝗺𝗶𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶, 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱

Waxaa ayaan darro wayn u ah Soomali oo idil Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed, waxaa sii labanlaabmaya dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaraya dadka aan waxba galabsan.

Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la’aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa’iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beeli beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed.

Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah.

Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed.

Hadaba, Si loo dabo qabto musiibada waxaan ku baaqayaa:

1- In si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda.
2- In ciidanka laga dulqaado magaalada.
3- In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan.
4- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.

Ugu dambayn, anigoo bogaadinaya dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; hadana waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court).