Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo maleeshiyaadka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo haatan ka socdo dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa qarxay xalay, wuxuuna soo gaaray illaa saaka, sida ay innoo sheegeen iyo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo togaga Dadamale iyo Quracda oo hoosataga deegaanka Jacayl, halkaas oo ah dhul buuraley ah.

Sidoo kale meelaha loogu dagalamayo ayaa ah togog biyo mareen ah iyo dhul buuraley ah oo ku yaalla aagga magaalada Balidhidinm halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad cakiran.

Lam ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, waxaana hawada laga saaray qadka isgaarsiinta, taas oo sii adkaneysa xaaladda ka taagan halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi ka dhex-qarxay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada dhaca dhanka buuraha ee gobolka Bari ee Puntland.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa maalmihii u dambeeyay sii xooganeysay, waxaana lixdii cishe ee ugu dambeysay ay isku uruursanayeen aagga haatan lagu dagaalamayo.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa labaduba waxay ku xoogan yihiin gobolka Bari, waxaana marar badan ay siyaabo kala duwan ugu dagaalameen halkaasi.