Aqalka Sare oo ansixiyay guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka.

Ansixinta guddigaan waxaa ogolaatay 30 Senator, majirin Senator diiday, sidoo kale wax ka aamusayna majirin, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Wasiirka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin ayaa ansixinta kadib u mahad-celiyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaaradda.

Golaha Wasiirrada ayaa 2-dii bishaan ansixiyay magacaabista guddigan oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, wuxuuna hadda haystaan kalsoonida labada Aqal ee BF.

Xubnaha guddigaan la ansixiyay ayaa kala ah:
1. Maxamed Xasan Idiris
2. Farxiya Muumin Cali
3. Burhaan Aadan Cumar
4. Axmed Maxamuud Jaamac
5. Maxamed Cabdalla Saalax