Sawirro: Ciidanka xoogga oo dilay sarkaal sare ‘ASAD iyo xubno kale’ oo Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay howlgal qorsheysan ku dileen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaas oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Miido oo hoos tagta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaamineysay howlgalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in ragga la dilay uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Asad, sidoo kalena howlgalka lagu dhaawacay 5 dagaalame oo kale.

Ururka 5-aad ee ciidanka Danab oo kaashanaya daraawiishta Jubbaland ayaa fuliyey howlgalkaas, waxayna tuulada Miido ee Shabaab-kaan ay 25 KM u jirtaa degmada Afmadow.

Howlgalkaas lagu soo furtay 4-qori oo ah nooca AK47 ah iyo 1-qori oo BKM ah sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab Dheeg Axmed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan aagga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka fuliyaan, sidoo kale ciidan xoog leh oo ka socda Jubbaland ayaa jooga Afmadow.

Jubaland waxaa ka socda abaabul xoog leh oo loogu diyaar garoobayo wajigga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Dhankooda Al-Shabaab ayaa fuliya weerarro culus oo ka dhan ah ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, maalmo ka hor waxay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen xero ay ciidamadu ku leeyihiin degaanka Janaa Cabdalle, halkaas oo si xun loogu laayey ciidanka, isla markaana kooxdu ay ku furatay hub iyo gaadiid dagaal oo badan.