Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku fulisay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo horay u geystay dilal bareer ah.

Labada askari ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle, kuwaas oo ugu dambeyn saaka qasaasta lagu fuliyay.

Cabdi Jamaal ayaa horay u dilay marxuum Cabdi Xakiim Khaliif Maxamuud, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay sheegtay in uu dhac geysanayey

Sidoo kale Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa isna horay u dilay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka Booliska, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Shire.

Maxkamadeynta labadaan askari ayaa soo martay heerar kala duwan, ayada oo horay loogu riday xukunka dilka ah ee saaka lagu oofiyay, kadib markii lagu helay caddeymo.

Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan askarta dilalka ka geysata Muqdisho, waxayna sheegtay in laga qaadi doono tallaabo adag.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeeyay Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha, kaas oo Xamarweyne wax ka yar 25 sinti ugu dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo).

Sidoo kale waxaa isla maalintaas Qaasim lala toogtay Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, kaas oo isna dil bareer ah u geystay marxuum Cali Taliye Cariif oo ahaa wade Mooto Bajaajle, kaas oo  ka dhacay degmada Balcad ee Sh/Dhexe

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo aad loo dhaweeyay.