Sarkaal Al-Shabaab ah oo xalay lagu qabtay Muqdisho isagoo ku guda jira weerar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay xalay gacanta kusoo dhigeen nin dhallinyaro ah, kaas oo miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska.

Taliska ayaa sheegay in ninkaasi gacanta lagu soo dhigay, xilli uu falkaasi ku guda jiray, haatana ay ciidamadu baarayaan.

Taliska ayaa qoraalka ku sheegay in ninkani ay la xiriirinayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin.

Dhanka kale Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay xalay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka Magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay qaraxaasi, marka laga soo taggo in ay la qaraxday ninkii ku howlanaa baa qoraalka lagu yiri dhagarta shacabka.

“Ciidanka Booliska waxa ay ku howlan yihiin baaritaanka cidda u soo dhiibtay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay.