Daawo: Cali Wajiis oo farta ku fiiqay dowlad shisheeye ‘oo dishay’ Saado Cali Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inuu aaminsan yahay in sirdoon shisheeye uu dilay Fanaanadii weyneed Saado Cali Warsame.

Sheekh Caliwajiis ayaa sheegay in isagoo ku sugan dalka Koonfur Afrika ay TV-ga ka daawadeen Saado Cali Warsame oo Sweden uga qeyb gashay xaflad weyn oo loo qabtay taageerada jabhadda ONLF oo dagaal culus kula jirtay Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Saado ay halkaas ka qaaday hees ay ku karbaasheysay madaxdii Itoobiya horay u soo hoggaamisay iyo kuwii markaas hoggaaminayey, iyadoo huwan calamada Soomaaliya iyo jabhadda ONLF.

“Nin markii goobta aan TV-ga ku daawaneynay ila fadhiyey ayaa nagu yiri gabadhaas Saado ah, markii ay ku laabato hadii ay todobaad sii noolaato Itoobiya aqoon uma lihi,” ayuu yiri Sheekh Caliwajiis.

Wuxuu sheegay in arrintii ay sidii ninku u sheegay noqotay oo Saado la dilay iyadoo shan maalmood Muqdisho joogta, maalinkii 6-aad, Shiiqa ayaa xogtaan ku shaaciyey wareysi uu siiyey TV-ga Dalsan.

“Anigu dalka ayaan ku soo laabtay, waxaan degay Hotel Ambasitoor, ayana waa timid, shan maalmood ayey Muqdisho joogtay, maalintii lixaadna waa la dilay,” ayuu yiri.

Sheekh Cali oo dib u xusuusanaya raggii dilay Saado Cali Warsame ayaa sheegay inay wateen gaari Qooqan ah oo rag aad u hubeysan oo BKM-yo wata ay saaran yihiin.

“Waxaa lagu dilay jiirada Hotel Ambasitor, ragga dilay waxay wateen gaari Qooqan ah oo ay saaran yihiin seddaxa ama laba qori oo Dabamiishaar ah (BKM) iyo ugu yaraan lix AK47, gaarigeeda ayaa gaariga lagu hor jaray waa la toogtay, ragiina waa iska dhaqaaqeen oo cid daba kacday ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Sheekh Caliwajiis ayaa yiri, “Aniga shaki iigama jiro in sirdoon shisheeye uu dilay gabadhaas oo Al-Shabaab aysan dilin,” Shiiqa ayaa ka gaabsaday inuu sheego magaca dowladda uu ku tuhmayo inay dishay Saado Cali.

Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame ayaa markii la dilay waxay aheyd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sanado kadibna waxay dowladda Soomaaliya toogatay rag qirtay inay fuliyeen weerarkii lagu dilay.

Hoos ka daawo