ATMIS oo mowqif cusub ka qaadatay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa war cusub kasoo saaray cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

El-Amine ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibada caalamka garawsaday in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya, loona wajaho Al-Shabaab.

Ergeyga Midowga Afrika ayaa khudbaddiisa ku sheegay baahida loo qabo in la qaado cunaqabataynta hubka iyo rasaasta ee saaran Soomaaliya.

“Waxaan ogahay in dalkan wax badan laga qabtay” ayuu yiri Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu soo jeediyay in taageero caalami ah xilligan loo fidiyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan dhawaan fursad u helay in aan hadal ka jeediyo shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Soomaaliya, waxaana aan iftiimiyay in xilligan xasaasiga ah, saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya” ayuu yiri Mohamed El-Amine Souef.

Madaxa guud ee hawlgalka ATMIS ayaa sidoo kale xubnaha beesha caalamka ugu baaqay inay arrintaan ka dhabeeyaan, si garab istaag loogu muujiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan ku boorrinay saaxiibada caalamka inay tixgeliyaan arrintan oo ay taageero dheeraad ah siiyaan ciidamada Soomaaliya” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaan ka qayb galay laba toddobaad kahor siminaar ay soo qabanqaabiyeen La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Kooxdiisa, dhammaan saaxiibada caalamkuna waxay garwaaqsadeen in wax badan la qabtay, lana gaaray xilligii xayiraadda iyo cunaqabteynta hubkaga laga qaadi lahaa Soomaaliya”.

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in qaadista cunaqabteynta hubka ay Soomaaliyaa  u oggolaaneyso in ciidamada qalabka sida iay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.