Muxuu Cawad ku macneeyey heshiiska Somalia iyo Cuba, 46 sano kadib dagaalkii 77?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku hehsiiyey inay sii ambaqaadaan xiriirkooda diplomaasiyadeed, heshiiskaas ayaa maanta ka dhaqan galay Muqdisho, kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjire cusub oo Cuba ay u soo dirsatay Soomaaliya.

Amba-qaadka cusub ee xiriirka Cuba ayaa ku soo aadaya 46-sano, markii ay dowladda Soomalaiya xiriirka u jartay oo Muqdisho laga ceyriyey safiirkii Cuba.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey waxa ay ka dhigan tahay in Cuba ay hadda dib u soo celiso xiriirkeedii Muqdisho.

Wasiir Cawad ayaa sheegay inay aad u fiican tahay in dowladuhu saaxiibaan, isla markaana dowladda markaas joogta uu mar kasta waajib ka saaran yahay inay dalka saaxiibo cusub u raadiso.

Axmed Cawad ayaa sidoo kale sheegay in madaxda dalka Cuba uu xiriir dhow la lahaa mudadii uu ahaa wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya, xiligaas oo ay ka wada shaqeyn jireen baadi goobka dhakhaatiir u dhalatau dalka Cuba oo kooxda Al-Shabaab ay ka soo afduubatay dalka Kenya.

“Markii aan ahaa wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba waxaan isku arki jirnay shirarka caalamiga ah, waana kala qaadan jirnay balamo,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in mar kasta uu xogta dhakhaatiirta lagu heysto Soomaaliya uu la wadaagi jiray madaxda Cuba, markii ay NISA u soo gudbiso wasaaradda arrimaha dibadda.

“Cuba saaxiibo badan ayey dunida ku leedahay, hadda wax badan oo nooga xirana ma jiraan, laakiin anagu waan ixtiraami jirnay oo waxaan la wadaagi jirnay xogta dhakhaatiir looga heysto Soomaaliya, waxaana u sheegi jirnay inay noolyihiin oo ragga qabsaday ay dhakhaatiir u yihiin,” ayuu yiri Wasiir hore Axmed Cawad.

Mar la weydiiyey saameynta uu khilaafkii hore ku yeelan karo xiriirkaan cusub ayuu wasiir Cawad sheegay in arrimahaasi ay iska dhamaadeen, isla markaana ay Soomaaliya hadda saaxiib la tahay Itoobiya oo dagaalkaasi uu si toos ah ugala dhaxeeyey.

“Xabsi uguma jiri karno oo dib uma gocan karno mar kasta wixii horay u dhacay iyo xiriir horay u halaabay, Cuba hadda wax badan nalagama dhaxeeyaan oo xuduud lama lihin, ururro gaar ah kuma wada jirno, hadii ay garteen inay safiir noo soo dirsadaan oo nala saaxiibaan, ma jirto sabab aan u sii gocano colaadii 40 sano ka hor dhacday,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.