Cabdi Xaashi oo hal arrin uga digay Cabdikariin Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xalay ka qayb-galay kulan uy ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed la yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa ka hadlay shaqada hortaallo ergeyga cusub ee ku aadan wada-hadallada labada dhinac.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Cabdikariin Guuleed uga digay in uu qaado tallaabo sii kala fogeyn karta Soomaaliya iyo Somaliland oo haatan muddo dheer kala maqan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ergeyga looga baahan yahay inuu ka dheeraado wax weliba oo kala fogeynaya labada dhinac, si guul looga gaaro dadaallada socda.

Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku garabsiinayo  waaya-aragnimada uu leeyahay si xal looga gaaro wadahadallada Muqdisho iyo Hargeysa.

“Dadkaas afkaartaas kala duwan qaba, fikirka lagula imaanayo, kii kala dhaqaajinaya ee keenaya khilaaf kaas ka dheeraay, wixii isu soo dhaweynayana ku dheganow, ma qabo aniga haddii Soomaali run u wadahasho oo xaqiiqada dhabta ah laga wada hadlo, si niyad furan oo aan naaxi lahayn waxa jira loosoo bandhigo Soomaali way ka heshiineysaa,” ayuu yiri.

Guddoomiye Xaashi ayaa sidoo kale  intaasi kusii daray “Cabdikariin waa laguugu taageerayaa fikirka fiican aad wado ee aad Soomaali isugu keeneysid”.

Waxa kale oo uu kula dardaarmay in uu si dhab ah u wajaho wadahadalka la filayo inuu markale u billowdo dowladda federaalka iyo Somaliland, si miro-dhal looga gaaro.

Todobaadkan uun ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed loo magacaabay inuu garwadeen ka noqdo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo haatan toos u galay shaqadiisa.

Si kastaba, Somaliland ayaa si weyn dhankeeda usoo dhaweysay magacaabista siyaasigan oo horay uga soo shaqeeyay wadahadalka labada dhinac, meel wanaagsana soo gaarsiiyay.