Daawo: DF oo shaacisay magacyada xubnaha isa soo dhiibay ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay waxqabadka dowladda ee todobaadkii tegay iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo dagaalka dhinacyada kala duwan leh ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxay todobaadkan ku dhawaaqday in guud ahaan la cuuryaamiyay hannaankii maaliyadeed ee Khawaarijta,” ayuu sii raaciyay wasiir Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgal todobaadkan ka dhacay duleedka Baydhaba lagu dilay 14 ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday ciidanka huwanta.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ay sii kordheen tirada xubnaha kasoo goosanaya kooxda ee isku soo sii dhiibayo dowladda federaalka.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in xubno badan oo ay ku jiraan saraakiil ay iska soo dhiibeen deegaanada Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah raggaasi:-

1-Cabdi Xasan Xul-Baalle oo kamid ahaa horjoogayaasha Al-Shabaab oo iska soo dhiibay gobolka Shabeelaha Hoose.

2-Bishaar Shardi Maxamed iyo Yuusuf Saleebaan Abuukar (Salaaxu Diin) oo iyaguna isku soo dhiibay ciidanka daraawiishta Galmudug.

3-Horjooge Xuseen Daahir Maalin (Dhagey) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ee Galmudug.

4-Horjooge Calas Axmed Ibraahim Barre ayaa lagu soo qabtay howlgal kale oo ka dhacay Galmudug