Dagaal culus oo mar kale ka dhacay LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo mar kale xalay ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhashay weerar ay qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Goojacadde, waxayna kadib iska caabin kala kulmeen ciidanka SSC.

Dagaalka ayaa billowday abaare 9:45 P.M. Waqtiga Bariga Afrika, isaga oo socday ku dhawaad 50 daqiiqo oo xiriir ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo inta uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo dhawaqa hubka laga maqlayay meelo fog-fog.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka xalay ku dhex-maray bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga lagu dagaalamay oo ay haatan gaarayaan ciidamo kale gurmad ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalin kahir khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Dhanka kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay farageliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska balse laguma guuleysan.

Si kastab, dgaalka ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.