Xasan oo shaaciyay arrin uu wejiga labaad ee dagaalka ‘ku qasbi doono’ Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan wejiga labaad ee dhawaan bilaaban doona ayaa waxa uu shaaciyay “in kooxda ay ku qasbi doonaan miiska wada-hadalka.”

Madaxweynaha ayaa rejo wanaag ka muujiyay in duullaanka cusub ee milateri ee dhawaan ka bilaaban doona dalka looga adkaan doono kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh.

“Laba arrimood ayaa jira in Al-Shabaab looga adkaado, mid waa milateri ahaan, mid kalena waa fikir,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska afka dheer ee Financial Times.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya ee howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay “sidii uu kooxda ugu celin lahaa meel cidhiidhi ah oo aan ka ahayn inay nabada qaataan,” sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka fikradeed wuxuu sii socon doonaa in muddo ah, laakiin, midka militariga, waxaan aaminsanahay inaan kaga adkaan doono iyaga,” ayuu yiri madaxweynaha oo Financial Times wareysi gaar ah ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Al-Shabaab waxay weli dareemayaan inay sii noolaan karto, waxaana sidoo kale rumeysannahay in fursadda wada-hadallada aysan weli qaan-gaarin. Laakiin dhamaadka, tani waxay ku dambayn doontaa wada-hadal.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli dhawaan uu dalka ka bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa waxay Al-Shabaab ay lumisay deegaano horleh oo sanado badan ay ka talinayeen, taasi oo lagu qiyaasay saddex meelood meel meelaha ay ka joogaan gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan shaacisay in wejigii hore ee dagaalka kooxda Al-Shabaab looga dilay in ka badan 3,000 oo ku jireen horjoogayaal, halka 3,700 oo kalena lagu dhaawacay.

Deegaanada lagu xoreeyay isla wejiga koowaad ee dagaalka ayaa waxay dowladda ku sheegtay illaa 70 goobo, kuwaasi oo isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegaanno kale oo istaratiij ah.