Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka oo geeriyooday iyo Xasan oo ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka Turkiga ku yeeriyooday Allaha unaxariiste Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, kuna soo shaqeeyay xaaladdo adag isaga oo qeyb ka ahaa shirar badan oo dib-u-heshiisiin ah.

Waxaa kamid ah xilalka sare ee Ismaaciil Hurre Buubaa uu soo qabtay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiirkii Maaliyadda Somaliland, burburkii dowladdii Militariga ahayd, isaga oo kadib kamid noqday xubnihii kasoo muuqday dowladdii Carta iyo middii Kenya lagu soo dhisay ee 2004-tii.

Geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax iyo siyaasiyiin, iyaga oo Alle uga baryey inuu jannada ka waraabiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa iyo dib-u-dhiska dalka.

“Ismaaciil waxa uu door weyn kasoo qaatay xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kumeel-gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.”

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.