Somaliland oo sameysay sheegasho cusub xilli uu dagaal culus dhacay xalay

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo sheegtay inay gacanta ku hayso amaanka guud ee gobolkaasi.

Somaliland oo muddo ku siman laba bil kula dagaalamaysa xarunta gobolka Sool ciidamada SSC ayaa sheegtay ciidamadeeda ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka Sool, xilli ay gacantood ka baxday magaaladii xarunta u aheyd gobolkaasi.

“Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayaga” ayuu yidhi Cateeye xilli magaalada Laascaanood ay mudo 2 billood ka badan ka maqantahay gacanta Somaliland,” ayuu Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Wasiir Caateeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu xalay dagaal culus markale ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka xalay ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalin kahor khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Sidoo kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku halkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka.