Falcelin xooggan oo ka dhalatay isbahaysiga cusub ee Somalia, Italy iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay shir isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, kadib shir xasaasi ah oo shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaasi oo ka qeyb-galeen madaxda saddexdaasi dal.

Shirkaan oo muhiim u ahaa isbaheysiga cusub ee saddexdan dal ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale waxaa kulankaas lagu lafo-guray danaha wada-jirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda billow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan.

Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay isbaheysigan cusub ee saddexda dal?

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyo kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed ay kaga fal-celiyeen isbaheysigan cusub, kaasi oo la soo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook. Hoos ka aqriso;

Cabdi Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Talyaani tabar ma hayo ee waa shir Soomaali lagu bah-dilayo. Danta uu Soomaali ka leeyahay Talyaani ee Itoobiya wax kaga xidhan ma garan.”

“Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud wado fiican ayaa ku wadaa waddanka, Somalia iyo Ethiopia iyo Italy inay wada-shaqeyn dhex-marto waa loo baahan yahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir Carab.

Maxamed Gabso ayaa isaguna waxa uu yiri “Kolka sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh eegay waxa iiga muuqata in sida ay wax usocdaan uusan la dhacsanayn.”

“Abiy Ahmed ayaa iska wata Farmaajo ayaa lagu maagi jiray, hadda Xasan inta uduulay Addis Ababa u tagay shir Abiy Ahmed booqasho ay ugu timi PM Italy,” ayuu yiri Aamiin Guuleed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay kulanka madaxda saddex dal iyo isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Ibraahim Maxamuud: “Soomaaliya haddii shirkaas lagu qaban lahaa
waa hubaal maalmo ka hor ayaa waddooyinka la xeri lahaa, balse Ethiopia in uu shir jiro Facebook ayaa laga arkayaa, meel la xiro iska dayee.”

“Xasan Sheekh waa siyaasi aan caadi aheyn, Soomaaliya hadey soo laabatay Insha Allah mardhow waddankeenu wuxuu naqon doona waddamada adduunka ugu qanisan,” ayuu yiri Cabdi Jaamac Cilmi oo isagu la dhacsan sida uu Xasan Sheekh wax u wado iyo isbaheysigan cusub.

Bilaal Faarax Maxamuud oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Waxaan badda iyo beeraha ahayn uma socdaan Itoobiya iyo Talyaaniga.”

“Waxan ku darsan lahaa mudane diyaaradan aad saaran tahay kasoo dag wa-bilaahi-towfiiq,” ayuu yiri Cawil oo isagu dhaliilsan safarada madaxweynaha ee tan iyo markii uu xilka u sareeya dalka la wareegay.

Muna Aadan: “Mudane madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Allaha ku fududeeyo howsha qaranka Soomaaliya u hayso, horey u soco weliga Soomaaliya cadawga Allaha ka dulqaado horumar iyo barwaqo ayan u rajaynayaa dalkeena.”

“Intaan garanaye! Maxaa sii qarsoon oo Ethiopia iyo Italy hal meel isugu keenay, anagana noogeeyay. Faah-faahin intaas ka badan nagu fiicnaan laheyd!,” ayuu yiri Ismaaciil Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay isbaheysiga cusub ee saddexda dal.