Ra’iisul wasaare Xamza oo soo saaray farriin ku socota shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray farriin cusub oo ku socota shacabka, taasi oo ku saabsan munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul-Fidriga guud ahaan umadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan hambalyada Ciid Al-Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u dirayaa guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan Allaha awoodda badan leh waydiisanaynaa in uu inaga aqbalo soomkii, salaadihii, qur’aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii aan samaynay bisha barakeysan ee Ramadan, ciidan teeda xigtana inagu gaarsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamadeena kala duwan ee geesiyaasha ah ee — bacdallaahi — suurtagaliyay in magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, 15 sano ka dib, si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuro.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in gulufka dagaal ee socda uu shacabka caasimada u horseeday inay bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku dhameysteen jawi nabdoon, oo ka maran carqaladeyntii amni ee kooxaha argagixisada.

“Waxaa xusid mudan, in shacabka Caasimadda Muqdisho waajibka soonka guteen iyaga oo aan ka cabsanaynin cadowga Khawaarijta, Ciyaalweero iyo Calaqleey midkoodna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu markale hambalyo, ammaan iyo ducaba u diray ra’iisul wasaaraha hay’adaheena amniga, booliiska, Nabad-sugidda, Asluubta iyo Milatariga ee hadh iyo habeenba u taagnaa sidii magaalada Muqdisho oo nabad ah loogu soomi lahaa.

Ugu dambayntiina wuxuu u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed ee sida wanaagsan ula shaqeeyay hay’adaha amniga ee ayaga u shaqaynaya, kuna garab istaagay sidii ay amniga u sugi lahaayeen.