Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ay gacanta ku soo dhigeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Horjoogayaasha ay sheegtay dowladda in gacanta lagu sheegay ayaa dhan saddex horjooge, oo ciidamada huwanta ay ku daba jireen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, sida lagu shaaciyay qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Howl-galkan lagu soo qabtay horjoogayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey.

Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay magacyada horjoogayaasha saddexda ah ee ciidamada huwanta gacanta kusoo dhigeen, kuwaasi oo kala ah; Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow.

Saddexdan horjooge ayaa waxay dowladdu sheegtay inay lacago baad ah kooxda Al-Shabaab uga qaadi jireen gaadiidka safarka ah, kuwaasi oo in muddo ahna ka tirsanaa kooxda.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hordhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.