NISA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 44 ka tirsanaa AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxaa lagu faahfaahiyay howlgan ay ciidanka sirdoonka iyo saaxibada caalamiga ah Jimcihii ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cali Fuuto oo hoostaga degmada Kuntuwaarey.

NISA ayaa shaaca ka qaaday inay heshay xogta xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaankaasi, si bey tiri ay u dhibaateen shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay illaa 44 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

“Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Deegaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad” ayay tiri Hay’adda NISA.

Sidoo kale Hay’adda ayaa intaasi ku dartay inay ciidamadu burburiyeen hub fara badan iyo godad ay xubnahaasi ka qoteen deegaanka lagu weeraray, sida ay hadalka u dhigay.

“Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godod ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, Hub iyo saanado kale oo ay ku aruursanayeen danbiilayaasha Khawaarijta” ayay tiri NISA.

Waxa kale oo ay intaasi raacisay “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed deegaano badan ka xoreeyeen Khawaarijta,”.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Nabad Sugiddu ayaa howlgallo culus ka wada Muqdisho iypo gobollada u dhow, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.