Rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay CEERIGAABO

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay rabshada xoogan ay ka dhaceen gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, kuwaas oo uga sii daraya xiisadaha ka jira Somaliland.

Rabshadaha ayaa billowday, kadib markii koox aan la garan haybtooda ay rasaas ku furtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo marayay magaalada.

Kadib ayaa waxaa xigay isku dhacyo dhex maray booliska iyo dadweyne careysaN oo isugu soo baxay magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah Somaliland, gaar ahaaM madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in rabshadahan ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aan la xaqiijin tirada rasmiga ah dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinaya in dibad-baxayaashu ay Calanka Khaatumo ka taageen waddooyin kamid ah magaalada Ceerigaabo.

Mid ka mid ah dadka dhigayay dibad-baxa ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidamada Somaliland, wuxuuna sheegay in nabadda faraha ka baxday, sida uu hadalka u dhigay.

“Reer Sanaagow waxaan idin sheegeynaa nabad innoo xiran caawa ma jirto nin walbaa ciddii uu ahaa ayuu noqonayaa,” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Haddaba Muusow waxaan ku sheegeynaa waxaa la dooneysay Ceerigaabo waa ka dhaceen”.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana bartamaha magaalada Ceerigaabo lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Si kastaba, horay rabshado kuwaan lamid ah waxay uga dhaceen Boorama oo todobaadkii hore laga taagay Calanka Soomaaliya, waxaana kasii horreysay Laascaanood oo arrinteeda isku beddashay dagaal toos ah oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada SSC.