Daawo: Xasan oo wacad ku maray arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadayo masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee ku kaca xatooyo dadweyne.

Madaxweynaha oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu dalbaday in aan lasoo daba kicin qofkii loo xiro arrimo la xiriira musuq-maasuq, xilli ay Golaha Wasiiradda ay meel-mariyeen qaraar door muhiim ah ka qaadanaya la-dagaalanka musuqa.

“Qofka dowladda ka tirsan mustawe kasta ha jooge ee masuuliyadaas siday tahay u gudan waaya qaanuun ayaa degan, dowladdu waa qaanuun iyo sharci, tallaabo ayaa laga qaada sharciga waafaqsan oo wuxuu sharcigu ku xukumo ayuu helaya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Adiga muwaadin hasoo daba kicin, tuug hadduu yahay wuxuu mudan yahay ayaa la marsiin inta ciqaabtiisu le’eg tahay laakiin ha daba cararin, waa la xiray macnaheedu waa la dilay ma ahan, waa loo yeeray oo su’aalo ayaa la weydiinaya macnaheedu in la sharaf tiray ma ahan, haddii uu sharaf laheyn adiga yuusan ku sharaf tirin, haddii sharaf leeyahayna mid ka weyn uu yeelana.”

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in caqabadaha jira ee dowladnimada Soomaaliya ka kori la’dahay ay qeyb ka tahay in nabadoonada ama madaxda qaar ay keensadaan qof aysan aqoon shaqsiyadiisa, kaliya ay boos ula rabaan inuu ku qabiil yahay keliya.

“Qof macrifada iyo aqoonta u leedahay ay tahay in aad qaraabo tihiin isku qabiil tihiin oo isku jufo tihiin inta gacanta kasoo qabato ha dhihin qofkaan ha la ii meeleeyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha sheegay inay ka go’an tahay dhaqan-gelinta qaraarka xukuumadda ee lagula dagaalamayo musuq ee Khamiistii ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda XFS.

“Xukuumadda waa dhaqan-gelinaysa ee waa in lagu kaalmeeyo oo lagu garab istaago inuu dhaqangalo, waa dowladnimadii oo qeyba mar taajinayo, halmar ma wada taajin karno.”

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha