Muxuu yahay heshiiska ay gaareen Soomaaliya iyo Sacuudiga?

Jidda (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo haatan ku sugan magaalada Jidda ayaa kulan la qaatay maamulaha guud ee sanduuqa horumarinta Sacuudi Carabiya, Suldaan Cabdiraxmaan Al-Marshad.

Kulanka oo ahaa mid miro dhal ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka deyn cafinta, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda

Labada dowladood ayaa ku heshiiyay in dib loogu dhigo deyn cafinta, isla-markaana ay iska kaashadaan sidii horumar loogu sameyn lahaa tallaabooyinka hortebinta leh.

Sida lagu caddeeyay qoraalka heshiiskan cusub ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada bixinta deynta si loo helo fursado dowlada u suuragalineysa inay ku hirgeliso qorshaheeda.

“Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta” ayaa lagu yiri.

Dhanka kale Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa la filayaaa inuu ka qaybgalo shir sanadeedka wasiirada dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku jirtoSoomaaliya.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka, horumarinta arrimaha dhaqaalaha iyo in la dhageysto waddamada taageerada u baahan.

Heshiiska ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kusoo aaday, xilli muhiim ah, isla-markaana Somalia ay meel wanaagsan ka gaartay barnaamijika deyn cafinta, maadaama ay qaaday dhowr tallaabo oo muhiim ah, taas oo si weyn loogu boggaadiyay.

Si kastaba, Sacuudiga aya kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada.