Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in haatan kulan xasaasi ah uu la leeyahay guddi ka socda musharixiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed.
Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa hadda ka socda xarunta Villa Hargeysa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulankooda uga arrinsanayaan xaaladda cakiran ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrinta doorashada.
Mucaaradka oo maalmihii u dambeeyay shirar ka waday magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho ayaa dalbanayay in lala dadajiyo doorashada, si waqtigeeda loogu qabto.
Sidoo kale waxay ku eedeeyeen in madaxweyne Laftagareen uu illaa iyo hadda dhaqan-gelin heshiiskii ay horay ula galeen ee ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.
Xubnahan hor-boodaya mucaaradka waxaa kamid ah guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka, sida Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale soo hoggaamiya maamulka.
Sidoo kale waxaa dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed qayb ka ah siyaasiyiin ay kamid yihiin Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Senator hore Ilyaas Cali Xasan iyo Maxamed Aadan Fargeeti oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda.
Kulanka haatan u socdo dhinacyadan iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu kasoo baxo war cusub oo ku aadan xaalka siyaasadeed ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isugu deegaankan kasoo jeeda ayaa horay u dhigay gogosha dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Baydhaba, balse arrinta ayaa u muuqata mid soo cusboonaatay, maadaama la gaaray waqtigii lagu heshiiyay in la bilaabo doorashooyinka.
Si kastaba, madaxweyne Laftagareen ayaa lagu eedeynayaa cabuur siyaasadeed iyo caga jiid ku aadan hore u socodka doorashada guud ee hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

