27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

XAMAAS oo 5,000 oo gantaal ku ridday ISRAEL

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa weerar lama filaan ah waxay ku galeen koonfurta Israa’iil, waxaana haatan lagu hayaa baadi goob.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanada ururka Xamaas ay saaka weerareen illaa sadex magaalo oo koofurta Israel ku taala.

Magaalooyinka la weeraray ayaa waxaa ka mid ah magaalada Ashkeloon oo sawiro laga soo qaaday ay ka muuqdaan in qeyb ka mid ah gubatay.

Milateriga Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay duqaynayaan bartilmaameedyo ku yaal marinka Qaza iyadoo lagu jiro “qiimayn xaaladeed”.

Horaantii, daraasiin gantaallo ah ayaa lagu soo riday dhanka Israa’iil, kuwaas oo keenay in seeriga duullaanka hawada ee guud ahaan dalka uu dhawaaqo.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gantaal.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in kooxdu ay “bilaawday toogashada baasuukaha ee Marinka Gaza ee dhulka Israa’iil” iyo in maleeshiyaadku ay gudaha u galeen dhulka Israa’iil oo ay galeen“goobo kala duwan”.

Sidoo kale Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay ku dhawaaqayaan “xaalad diyaar u ahaansho dagaal” iyaga oo ka jawaabaya weerarka lama filaanka ah ee Gaza. uga yimid

Dhankiisa wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ayaa ansixiyay in loogu yeero kaydadka militariga.

Ciidamada Israel ayaa haatan bilaabay inay duqeymo aargoosi ah ka fuliyaan marinka Qaza, waxayna ka digeen in Xamaas ay khasaare aad u culus la kulmi doonto.

- Advertisement -

Read more

Local News