25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: Xasan Sheekh oo gacan ka qalan oo caawa ka degay Riyaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyaad (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha ayaa Riyaad uga qayb galaya saddex shir, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Seddaxda shir ayaa kala ah:

1- Shirka Jaamacada Carabta
2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka

3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

Shirarkan ayaa  intooda badan looga hadlayaa xaaladda shacabka Falaatiin oo duqeymo culus ay u geysanayaa ciidamada Israa’iil.

Sidoo kale Villa Somalia, waxay caawa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu galay qaliin, intii uu joogay dalka Imaaraadka oo maanta uu ka soo safray.

Madaxweynaha ayaa qaliinka looga sameeyey garabka, waxaana la sheegay in hadda ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad.

Madaxweynaha ayaa soo muuqday isagoo ay u shakaalantahay gacanta bidix oo ka soo degay diyaarad ka keentay Dubai oo ka soo dejisay Riyaad.

Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo dhamaado safarkaan uu ku joogo Sacuudiga wuxuu dib ugu laaba doonaa Dhuusamareeb oo saldhig u ah halganka dagaal ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News