Muqdisho (Caasimada Online) – Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka xasilinta caasimada Muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah looga siibay tuutaha ciidamada qaranka, kadib markii lagu helay xad-gudub ay u geysteen bulshada.
Labadaan askari ayaa maanta la soo hor taagay ciidankii ay ka tirsanaayeen, kadibna waxaa ciidanka hortiisa tuutaha uga siibay Gaashaanle Aadan Jeelle Taliyaha guutada Boolis Militeri.
Labadaan askari ayaa lagu helay kiis la xiriira dhac dadweyne, waxaana laga dhex qabtay caasimadda, iyadoo guud ahaan fagaarahaan looga ruqseeyey ciidamada qaranka.
“Labadaan askari oo ka tirsanaa ciidankaan waxay ka been sheegeen dhaartii ay mareen, waxay dhac u geysteen shacab masaakiin ah, iyagoo ugu awood sheeganaya tuutaha iyo qorigii lagu iibiyey canshuurta shacabka,” ayuu yiri Taliye Jeelle.
Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa yiri “Labadaan nin maanta wixii ka dambeeya askar maaha,” wuxuuna ciidanka hortiisa uga siibay tuutaha.
Ciidamadii fadhiyey goobta ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in la ruqseeyey askartaan, “shacabka ayaaly ku laabanayaan, looma baahna askari markii awood la siiyo shacabkiisa u adeegsanaya,” ayuu yiri Gaashaanle Jeelle.
Goobta ciidankaan lagu ruqseeyey askartaan waa xero ciidamada xasilinta Muqdisho ay ku leeyihiin xaafada Waxaracadde ee degmada Heliwaa, halkaas oo lagu feyliyey askar badan, si loo hor-geeyo labada askari ee fagaaraha looga saaray ciidanka.
Sidoo kale goobta waxaa ku sugnaa saraakiisha wacyi-gelinta ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ciidamada xasilinta caasimada ku baraarujiyey in bulshada ay u dhaarteen aysan kula kicin wax xad-gudub ah.
Hoos ka daawo