25.4 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Horjoogayaal iyo Shabaab kale oo lagu dilay howlgal culus oo ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgal qorshayn uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Howl-galkan culus ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay Caasimada Online u xaqiijin qaar kamid saraakiisha ciidanka.

Howl-galkaan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in bartilmaameedka duqeynta uu ahaa fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, kuwaasi oo la bur-buriyay.

Weli si rasmi ah looma shaacin magacyada horjoogayaasha Shabaabka ee lagu dilay howl-galkaan. Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Howl-galkaan ayaa imanaya saacado kadib markii ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ay howl-gal bur-burin ah ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool.

Deegaanadaasi oo kala ah Gomori, Banjinaay, Sheekh Xasey, Aboorey iyo Dhanfaruur oo dhamaantood hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidanka ayaa gebi ahaanba bur-buriyay fariisimihii kooxda Al-Shabaab ee ay ku lahaayeen deegaanadaasi howl-galka laga sameeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News