26.1 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay qodobada kasoo baxay shirkii Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay shirka lasoo gabagabeeyay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 4 qodob,kuwaas dhaliyay facelin badan oo ay ka sameeyeen dadka isticmaala baraha bulshada.

War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Sidoo kale golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Haddaba, sidee looga faceliyay qodobada kasoo baxay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka?.

Qaar kamid ah dadweynaha ka falceliyay shirka ayaa dhaliilay natiijada kasoo baxday, waxayna sheegeen in aan lasoo hadal qaadin arrimaha muhiimka ah, sida doorashooyinka.

Cabaas Madani “Hadda ma waxaan ayaad dhawr maalmood u fadhideen? Shimbirayahow heesa weeye, maxaa dadka Soomaaliyeed been loogu sheegayaa fashil ayuu kusoo dhamaaday shirku?”

Xasab Cabdullaahi “War-murtiyeed an waxba ka jirin arrimaha dooroshooyinka aaway fashil”?

Axmed Cabdiraxmaan “Soomaaliya waa meel dadka lagu maaweeliyo, hadda maxaa cusub ood soo saarteen”.

Cabdi Diiriye “Arrimihii ugu xasaasisanaa ee doorashooyinka waa la’isku khilaafay miyaa? Dadku xoolo ma’aha, waa la soo jeedaa”.

Cabdicasiis Cali “Wuu fashilmay ma dhihi karnee aan wax uun xar-xarriiqna la dhahaa alaabtan”.

Xudeyfa Cabdi “Waa shir fashilmay. maadama uusan kaso bixin wax go’aanno masiiri ah”

Maxamed Xasan “4 maalin waxaad ka shireyseen ma waxaan ay ahaayeen? Aaway qodobkii ugu muhiimsanaa we doorashooyinka”.

 

- Advertisement -

Read more

Local News