Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis.
Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta.
Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira.
Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal.