27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro: Madaale oo maanta u dhaqaaqay arrin ay muddo sugayeen reer Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daah-furay mashruuca Nagaad ee hirgelinta naqshadeynta bulaacadaha iyo biya-mareenada caasimadda, taasi oo muddo badan ay shacabka caasimada ka sugayeen maamulka gobolka.

Mashruucan oo maanta uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ka daah-furay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, ayaa waxa uu wax badan ka tari doona dhibaatada ka taagan caasimadda xilliyada roobka oo waddooyinkeedu noqdaan biyo dageen.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in heer qaran oo si wadajir ah la isaga kaashan doonno sidii xal-waara loogu heli lahaa arrimaha bulaacadaha iyo biyo-mareenada magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isna madasha ka sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay sanadkaan 2024 hortabin u leedahay xal-u-helida iyo maareynta biyo-mareenada magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in sida ugu wanaagsan loogu faa’ideysan doonno mashruuca Nagaad oo uu maal-gelinayo Bangiga Aduunka (World Bank).

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doonno dar-dargelinta howlaha Naqshadeynta iyo dhismaha Biyo-mareenada magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), agaasimaha hay’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa iyo madaxda hay’adda Hydro Nova.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa; maamulaha guud ee mashruuca Nagaad Maxamed Nuur Xasan, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

Si kastaba, mashruucan ayaa wax badan ka tari doona haddii uu noqdo mid si rasmi ah u hirgela oo aan la musuq-maasuqin mid wax badan ka tari kara dhibaatada caasimadda, oo xaalad adag gasha xilliyada roobka, oo waddooyinkeedu isku beddelaan biyo dageeno, taasi oo hakad gelisa isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha caasimadda.










- Advertisement -

Read more

Local News