24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

DF oo bayaan culus kasoo saartay dagaalka Mudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaan deg deg ah kasoo saartay colaadda saaka kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanno dhaca galbeedka gobolkaasi.

Dagaalkan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxay dowladda ku baaqday in si deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay dhinacyadu fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo bayaanka soo saartay ayaa waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

“Wasaaradda waxay ka walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaannada; Jiicboor, Saxo-Qurun iyo Meygaagta, ee ka tirsan gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda islamarkaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.”

Sidoo kale wasaaradda ayaa waxay codsi u dirtay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, “Waxa aan ka codsaneyna dadka waxgaradka ah inay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Wasaaradda ayaa waxay kale ugu baaqday masuuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug inay kaalintooda ka qaataan, ayna u istaagaan xal u helidda colaadda.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax alle wixii kaga aaddan sidii xalwaara loogu heli lahaa colaaddan.”

Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60