Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in manta xaalad adag ay ka taagan tahay waddada xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye, kadib markii ay weeraro ka fuliyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida uu sheegay mid kamid siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye, maleeshiyaadka kooxda ayaa gubay gaadiid ay lahaayeen shacab oo ku safrayay waddadaasi.
Gaadiidka la gubay ayaa qaarkood siday dhuxul, halka sidoo kale dhacdadaan lagu gubay mootooyin kor u dhaafayo illaa 10, kadib markii ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaadka kooxda.
“Waxaa la gubay gawaari siday dhuxul iyo 12 mooto marka dhibaato xooggan ayaa ka jirta waddada xiriirisa Wanlaweyn iyo Afgooye” ayuu yiriq mid kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Haddii gawaari la gubaayo wax la afduubanaayo cidda sameyneyso waa ka war haysaan waa qoladaas Al-Shabaab,”.
Dhinaca kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo uu tilmaamay inuu indhaha ka laabtay dhibaatada ka jirta waddadaasi oo go’an, cabsi laga qabo weerarada Al-Shabaab darteed.
“Illaa hadda guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo ku xigeennadiisa wax ka hadlay ma jiraan, xiittaa labada maamul ee degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye”.
Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaaa weeraro ay qaarkood ka fuliso Muqdisho.