Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan ay magacaabi doonto ergay u howlgala sii amba-qaadidda qorshaha badbaadinta ee dalka Suudaan.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan, isagoo qiray in dalkaasi uu ka mid yahay dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama, ayuu yiri, “Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”
“Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn, sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhawaan aan magacaabno ergay dhexdhexaadin doona labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha.
Soomaaliya ayaa hore u wargelisay madaxda dalalka Jaamacadda Carabta in ay ka soo horjeeddo faro-gelinta lagu hayo Suudaan, oo haatan uu ka socdo dagaal burburiyay kaabayaashii ugu muhiimsanaa ee dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dooneyso in Suudaan ay mid ahaato, isla markaana ay ka heshiiso khilaafka sababay gacan-ka-hadalka ee burburka geliyay dalkaas.
Wuxuu dhinacyada isku haya dalkaas ugu baaqay in ay wada-hadlaan si ay u dhammeeyaan xiisadda, iyadoo laga fogaanayo faro-gelin dibadda ah.