Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa kulan muhiim ah la qaatay boqolaal ka mid ah Macawiisleyda.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayuu madaxweynuhu kula hadlay boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda deegaanka, kuwaas oo haatan dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa geesiyaasha deegaanka ku boorriyey sida ay uga go’an tahay in ay dhibaatada argagixisada Shabaab uga dulqaadaan dadkeenna ay dhibaataynayaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan hoggaaminaya dagaalka, ayaa ku haminaya in ciidda ka hor laga saaro kooxda Al-Shabaab oo culeys badan ku haysa gobolka, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Dagaallada ka socda Soomaaliya ee u dhexeeya dowladda iyo kooxaha argagixisada ah ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro isdaba joog ah, dowladdana waxaa ka go’an in ay waqti kooban ku soo afjarto kooxdaas.
Si kastaba, howl-galladu haatan waxay ku socdaan dardar xooggan, iyadoo door muhiim ah ay ka qaadanayaan diyaaradaha dagaalka oo casri ah, kuwaas oo ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda iyo geesiyaasha deegaanka ee naftooda u huraya in ay argagixisada ka xoreeyaan dalka.