Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta dhageysatay dacwadda 10 eedeysane oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab. Labo ka mid ah eedeysanayaashan ayaa la sheegay in ay yihiin ajaaniib.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha la horkeenay maxkamadda ayaa sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab balse uu ka soo goostay.
Ninkaan oo aan magaciisa si rasmi ah loo shaacin, ayaa ka hor sheegay maxkamadda in kooxdu u diyaarineysay in xero lagu tababaro maleeshiyaad Shabaab ah uu ka sameeyo magaalada Buuhoodle iyo deegaannada ku xeeran ee gobolla Cayn.
“Aniga waxaa la ii xilsaaray in aan mucaskar ka sameeyo Buuhoodle iyo nawaaxigeeda, taas ayaana igu kaliftay in aan Shabaab ka soo goosto,” ayuu yiri eedeysanahan oo maanta kasoo hormuuqday maxkamadda.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dad badan oo ku nool Buuhoodle ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay tababaro kusoo qaateen magaalada Jilib, ayna si qarsoodi ah ugu nool yihiin magaaladaasi.
“In badan oo kamid ah dadka nool Buuhoodle waa Shabaab. In badan oo tababar u socday ayaa la qabtay,” ayuu yiri ninkan oo kamid ah tobanka eedeysane ee maanta maxkamadda dhageysatay kiiskooda.
Ninkan oo si gaar ah looga dhex magacaabin liiska 10 eedeysane, ayaa waxa kale oo uu sheegay in markii hore uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, halkaas oo laga tashkiiliyay, kadibna uu go’aansaday inuu u safro magaalada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab.
Eedeysanaha ayaa sidoo kale sheegay in markii uu ka quustay fikirka Al-Shabaab uu isku dhiibay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Itoobiya, balse ay u sheegeen in aysan caawin karin, iyagoo kula taliyay inuu aado Puntland. Wuxuu intaa ku daray in markii uu ka baxay Al-Shabaab loo hanjabay oo lagu eedeeyay inuu basaas yahay.
Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa la filayaa in ay dhawaan soo saarto xukunka 10-ka eedeysane ee la horgeeyay.
Magacyada eedeysanayaasha:
1. Nuur Maxamed Macalin – 30 jir
2. Mutahar Xaamud Qaayib – 24 jir (Ajnabi)
3. Salaad Caseyr Muuse – 62 jir
4. Mushiir Maxamed Siciid – 38 jir (Ajnabi)
5. Ibraahin Yuuya Alii – 35 jir
6. Cabdilaahi Cali Ayuu – 25 jir
7. Cabdilaahi Axmed Yuusuf – 25 jir
8. Maxamed Macalin Aadan – 25 jir
9. Xasan Yuusuf Macalin Isaaq – 27 jir
10. Axmed Maxamed Cabdi – 40 jir
Maxkamaddu waxay sii wadi doontaa dhageysiga dacwadda, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la soo gabagabeeyo kiiska.