28.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Dagaal culus oo ciidamada DF iyo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xalay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa NISA ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo muddo socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jiro khasaare, balse ma cadda inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye haatan howlgal ka wada ciidanka amniga.

Weerarka xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab halkaasi ka bilowday dhaq-dhaqaaqyo culus, kadib markii lagu arkay dagaalyahannadeeda oo soo galay xaafado ka tirsan deegaankaasi.

Sidoo kale waxa ay horay u demiyeen layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, iyadoo xilligaas dadku sheegayeen in aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Meelaha horay loogu arkay Shabaab waxaa kamid ah deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi, halkaas oo ay waddada xirteen muddo kooban, saacado kadibna ay ka tageen.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay in Al-Shabaab ay usoo dhowaadaan caasimada oo horay looga saara 15 sanno kahor, kadib dagaallo culus oo lala galay.

Si kastaba, waxaana haatan culeyska ugu xooggan uu ka taagan yahay gobollada Shabeellooyinka oo daris ah la’ah Muqdisho, waxaana deegaanno badan oo ka tirsan gobolladaasi dib u qabsatay kooxda, kadib weeraro culus oo ay ka fulisay halkaasi.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

- Advertisement -

Read more

Local News