27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xildhibaan federal oo shaaca ka qaaday in uu sharci darro yahay heshiiska shidaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee shidaalka ku tilmaamay “sharci darro”.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in heshiiska qarsoodiga ah ee dhaxmaray xukuumada federaalka Soomaaliya iyo Turkiga uu toos uga hor imaanayo sharciyada iyo xeerarka Kheyraadka dabiiciga ee uu baarlamaanku meel-mariyey.

Sharciyadan ayaa dhigaya in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, sida uu sheegay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay in sharciyada uu baarlamaanka meel-mariyay ay dhigayaan in laga doodo heshiisyadan noocan ah, laguna sameeyo qiimeeyn, islamarkaana ay meel-mariyaan labada aqal ee baarlamaanka.

“Heshiisku wuxuu meesha ka saaray heshiiskii ka dhaxeeya DFS iyo DG ee wadaagga kheyraadka dabiiciga ah iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku nacfiyaan khayraadkooda dabiiciga, sharaf iyo mudnaanna ku helaan dhaqaalaha kasoo baxaya dalkooda,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray xisbigiisa Wadajir.

Heshiiskan oo ahaa taariikhiga ayey dowladdu ku sheegtay mid uu Turkey ku hormarinayo kheyraadka badda Soomaaliya ee aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Si kastaba, Turkey ayaa khibrad fog u leh sahminta tamarta ku jirta badda, waxayna sanadkii 2020 ay heshay gaas ku jira Badd Madow.

- Advertisement -

Read more

Local News