28 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Caynte: Waxaa la gaaray xiligii shacabku kacdoomi lahaa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte oo muddo dheer saaxiib lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, jileeca dowladnimada, dadaal yarida madaxda, ciidamada howlgalka Midowga Afrika oo waqtigoodu dheeraaday, gaabiska dhismaha ciidanka Qaranka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Caynte oo ka bilaabanaya shirkii Kampala lagu soo gabagabeeyey:

Waxaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ku qabsoomay shir madaxeed looga arrinsanayay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM. Shir madaxeedkan wuxuu kusoo beegmayaa 18 sano kaddib markii ay ciidankaas ka howl billaabeen Soomaaliya (31 Maarso 2007). Kutalagalku wuxuu ahaa iney saddex sano oo kaliya joogaan!

18-kaas sano waxaa Soomaaliya loo soo tabaray ciidan kor u dhaafaya 100,000. Waxa  balaayiin dollar lagu bixiyey hubeynta iyo tayeynta ciidankeenna. Hiil iyo hooba wuxuu adduunku la garab istaagay xukuumadihii hoggaanka dalka isaga dambeeyay.

Yoolka ugu muhiimsan ee ciidankaas loo keenay dalkeenna wuxuu ahaa iney baritaaraan dowlad nugul oo garab iyo gaashaan ugu baahneyd si ay amniga gayigeeda ugu filnaato, ugana adkaato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxdii isaga dambeysay hoggaanka dalka waxay shacabkooda iyo adduunkaba u ballan qaadayeen iney gaari doonaan isku filnaan amni, Khawaarijtana ka adkaan doonaan, lagana maarmi doono ciidanka ajnabiga ah.

Ha yeeshee, marka uu sii dhammaanayo muddo xiloodkooda ayuu madaxweyne walba afka furanaayay, isagoo ku cabaadayay in “mar kale fursad la siiyo” si uu “dib ugu soo dhiso ciidan tayo leh oo hanan kara amniga dalka.”

Sida uu Suubbanihii Nabi Maxamed, NNKH, inoo sheegay, “qofka Muslimka ah hal god laba mar lagama qaniino.”

RUNTA QARAAR waxay tahay, hoggaankii dalka isaga dambeeyay 18-kaas sano waxay ku summadeysnaayeen waxa aan ugu yeero T6:

1. Tuugeysi xoolo qaran

2. Toleysi xigto beeleed

3. Takrifal xoogga dowladda

4. Tuugsi xoolo shisheeye

5. Tayo xumo la taliyayaal

6. Tiiro gaabni xikmadeed

Hoggaanka intaas oo sifood kulansaday ma dhisin, ma dhisayo, mana dhisi doono ciidan qaran oo hanan kara amniga qaranka. Ciidan kaliya ma ahane, xitaa ma dhisi karo hey’ado dowladeed oo dalka samatabixin kara.

Khawaarijta, argagixisada iyo xoogagga kale ee halista ku ah jiritaanka qarankeenna waxay ku naaxaan, kuna bullaalaan habdhaqanka T6 ee ma lahan itaal ay iskood u tacbadeen.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gacan daahir ah ayaa wax daahirisa.” Danleyda T6 inaan ka sugno iney Khawaarijta ka adkaadaan waa halkii laga dhihi jiray “Dhedo roob noqon weyday.”

Waxaa lasoo gaaray xilligii lagu kacdoomi lahaa habdhaqanka T6 ee ay ku sifoobeen (inta badan) haldoorka siyaasadda. Waxaa lama huraan ah in lasoo bandhigo aragti qaran oo lagu badbaadin karo dalka, kana tarjumeysa himilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan hoggaan ay caddaaladdu habdhaqan u tahay.

Sidaan laguma sii jiri karo!

- Advertisement -

Read more

Local News