25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maxkamadda G/Banaadir oo ridday xukunka kiiska Mayota

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Banaadir oo maalmahan ku guda jirtay dhageysiga kiis xasaasi ah oo loo haystay koox ku eedeysan tahriibinta iyo ka ganacsiga dad Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhowaaqday xukunno kala duwan oo lagu riday, kadib dambiyo culus oo lagu helay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saalax Maxamuud Dabaan oo ku dhowaaqay go’aannka maxkamadda ayaa sheegay in raggan ay ka dambeeyeen dhacdadii xanuunka badneyd ee ay ku dhamaadeen dadkii Soomaaliyeed ee ku halaagsamay Jasiirada Mayota, xilli ay ku jireen tahriib, kuna sii jeedeen qaar kamid ah waddamada reer Yurub.

Maxkamadda ayaa 7 kamid ah eedeysanayaasha ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay, halka qaar kalena lasii daayey, kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxaa lagu riday xukun u dhexeeya 6 bilood, illaa 4 sanno, waxaana laba kamid ah usii dheer inay bixiyaan magta Soomaalidii dhimatay.

Hoos ka akhriso magacyada iyo xukunka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

1-Mubaarak Maxamed Xasan waxay maxkamaddu ku waysay wax dambi ah, waxayna baab’isay damaanad uu bannaanka ku joogay, sidoo kale waxay u celisay xoriyaddiisa.

2-Maxamed Jimcaale Raage waxay maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 4 sano oo xarig ah.

3-Maxamuud Cali Maxamed maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 2 sano oo xarig ah

3-Cabdiwahaan Nuur Mahdi maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 2250 oo lala sii akhriyay qodobka 45, waxayna ku xukuntay 1 sano oo xarig ah.

4-Ibraahim Cabdi Ibraahim maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

5- Waliid Cabdullaahi Abuukar maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

6-Cabdiqani Maxamed Cali maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

Sidoo kale, waxaan xukun kale uu kusii dhacay dambiileyaal Maxamed Jimcaale Raage iyo Maxamuud Cali Maxamed waxaana lagu xukumay inay bixiyaan:-

1-Diyada Marxuumad Fatxi Xuseen Cali oo ah 50 halaad oo geel ah

2-Diyada Marxuumad Binti Cali Nuur oo ah 50 halaad oo geel ah

3- Diyada Marxuumad Laylo Cismaan Maxamed oo ah 50 halaad oo geel ah

4-1-Diyada Marxuumad Aamino Axmed Baashe oo ah 50 halaad oo geel ah.

Waxaa kale oo isla raggan lagu riday xukun ah inay bixiyaan lacagihii ay ka qaadeen qaar kamid ah dadkii ay tahriibinayeen oo maxkamadda ka dacweeyay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in ragga la xukumay ay haystaan fursad kale oo ay ku qaadaan karaan racfaan, haddii aanay ku qanacsaneyn go’aanka soo baxay.

“Xukunkan cidda aan ku qancin waxaa u furay racfaan ku siman inta u sharcigi tilmaamay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News