26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Wasiirkii ugu muddada yaraa wasaaradda difaaca oo maanta xilka wareejiyay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo hadda ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, kaddib markii uu hayay muddo 24 maalmood ah.

Wareegto uu todobaadkaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isku shaandhayn uu sameeyey waxa ay sababtay in xilkii laga qaado Mr. Jibriil, isaga oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad. Isku shaandheyntaas ayaa sababtay in xilka Wasiirka Gaashaandhigga laga qaado Jibriil, laguna beddelo Axmed Macalim Fiqi.

Jibriil Cabdirashiid ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga la wareegay 6-dii April 2025, isagoo xilkaas kala wareegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirkii muddada ugu dheer soo hoggaamiyay Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Wasiir Fiqi oo si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sheegay inay u bilaabatay hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, isagoo tilmaamay muhiimada wasaaradda difaaca oo ah mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay.

Hoos ka aqriso qoraal uu xil-wareejinta kadib soo saaray Fiqi:

Waxaan si rasmi ah ula wareegay maantay xilka Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga – JFS oo uu igu wareejiyey walaalkay wasiirkii hore ahna Raysulwasaare ku xigeenka 2aad Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji, goob joogna uu ka ahaa Raysulwasaare ku xigeenka Md.Salah Jamac.

Waxaa noo bilowdey hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, wasaaradda Difaacuna waa mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay, waa halka laga ilaaliyo madaxbanaanida, gobonimada, midnimada dalka iyo dawladnimadiisa.

Waxaan xoogga saaraynaa dirirta iyo jabinta Khawaarijta qooqan, xoojinta tayada iyo dhismaha ciidankeena iyo hirgelinta siyaasaadka kala duwan ee la xiriira Difaaca.

Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwa dalkooda jecel, kuwa neceb Khawaarijta iyo wadaniyiinta waxaan ka codsanayaa in aan ka wada shaqayno oo garab weyn ay ka gaystaan sidii khawaarijta Loo baabi’in lahaa isla markaana ciidamadeena jihaadka ku jira Loo garab istaagi lahaa, si ay u noqdaan kuwo ku filnaada la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo difaaca dalka.

Waxaan mahadcelin gaar ah u dirayaa saaxiibada Soomaaliya ee nala garab taagan taakulada iyo sidii dalka looga baabi’in lahaa Khawaarijta.

- Advertisement -

Read more

Local News