25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

DF oo war cusub ka soo saartay soo saarista shidaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay soo saaran doonto shidaalka ku jiro dhulkeeda, sida uu maanta sheegtay wasiirka bartoolka Daahir Shire Maxamed oo haatan ka qayb-galaya Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee ka socda magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga.

Daahir Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato khayraadka dhex ceegaaga dhulkeeda, isla markaana haatan wixii ka dambeeya ay xoojin doonto iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ku taallo goob istaraatiiji ah, Allana uu ku maneystatay khayraad dabiici ah, isaga oo maalgashadayaasha caalamiga ah ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursaddaasi ee ay usoo bandhigtay dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waa goob istaraatiiji ah waxaana ku duugan Kheyraad farabadan oo dabiici ah, goobtaas muhiimka ah ee ay Africa kaga taalo waxay fursad weyn u tahay maalgashadayaasha caalamiga ah inay Soomaaliya maalgashi xoogan ku sameeyaan” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire oo madasha ka jeediyay Khudbad kooban.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dadaallada socda ee sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu wado Turkiga, isaga oo xusay inuu marayo heer gabagabo ah, kadibna xigi doonto qorshaha qodiska shidaalka, si loo soo saaro, kadibna loo sii iib geeyo.

Sahminta ayaa hadda lasoo warinayaa in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay baarista shidaalka Soomaaliya, taasoo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay.

Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida uu haatan ka dhawaajiyay wasiirka batroolka Soomaaliya.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta.

Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro.

Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

- Advertisement -

Read more

Local News